Falanqayn: Kulammada Guruubka B - Portugal Vs Morocco & Iran Vs Spain

Koobka Adduunka
Image caption Koobka Adduunka

Guruubkan waxaa ku wada jira Boortaqiiska, Iiraan, Spain iyo Morocco.

Waxaa min hal dhibic leh Spain iyo Portugal oo barbarro hore u galay, halka, Iran ay ka soo badisay Morocco oo ay leedahay 3 dhibcood. Morocco iyadu waxba ma leh.

Falanqayntan waxaa samaysay Nasrokiin Xaashi Nuurre.

Cayaaraha galabta iyo caawa dhici doona ayaa sare u sii qaadi kara ama wiiqi kara rajada kooxaha.

Portugal Vs Morocco

Waa kulankii 3aad ee ay labadan kooxood yeelanayaan muddo 32 sano ah.

Laba goor ayey wada kulmeen 1986. Mar waxa 3-1 ku badiyey Boortaqiiska, marna barbarro ayey galeen, galabtana kulankii 3aad ayey isku arkayaan.

Boortaqiisku waa koox awood leh marka la fiiriyo mustawahooda cayaareed, laakin waxay halgan ugu jiraan in 3 dhibcood ay hantaan. Waxaa aad isha loogu hayaa Cristiano Ronaldo oo cayaartii Spain 3 gool ka dhaliyey.

Marocco waxay u tahay "laba daran mid dooro". In ay badiso oo kaliya ayey rajadeeda ku sii jiri kartaa. Xataa barbarro waxba uma tarayo.

Iran Vs Spain

Waa markii ugu horraysay taariikhda kubadda cagta ee labadan waddan ay iska hor yimaadaan. Iran waxay wadataa 3 dhibcood. Spain 1 dhibic ayey leedahay. Awoodda labada kooxood marka la isku fiiriyo waxaa aad loo saadaalinayaa in Spain ay guulaysan doonto, walow Iiraan aan la dhayalsan karin , waayo mararka qaarkood waxaa dhacda in kooxo yaryar ay kuwo waaweyn afka ciidda u daraan.

Labada cayaaroodba in ay koox guulaysato mooyee barbarro cidna uma roona.

Haddii Morocco ay Portugal ka badiso, Spain-na ay 4 dhibcood yeelato oo Iran ay ka badiso, guruubku markaa wuxuu noqonayaa mid aad u sii adkaada

Mowduucyada la xiriira