“Beer nugaylka xulka qaranka Denmark”

Jonas Knudsen difaaca kooxda Denmark Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jonas Knudsen difaaca kooxda Denmark

Cayaartoyda dalka Denmark ee ku sugan dalka Ruushka ayaa diyaarad gaar ah u kireeyay cayaaryahanka difaaca uga dheela kooxdaasi si uu soo arko cunug dhawaan uga dhashay dalkiisa.

Cayaartoygan loo kireeyay diyaaradda ayaa lagu magacaabaa Jonas Knudsen, waxayna kooxdiisa dalka Denmark 1-0 uga guulaysaty kooxda qaranka ee Peru.

Xaaskiisa ayaa cunuga dhashay markii uu gaaray dalka Ruushka.

Goolhayaha xulka Denmar Kasper Schmeichel wuxuu yiri " waan inaan eegna xuquuqda qofka bani'aadanka ah".

Wuxuu intaasi ku daray in Jones uu helay farriinta ah inuu u dhashay cunug isagoo dalkiisa ka maqan, islamarkaasna uu dareen adag ku beermay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jonas Knudesn

Wararka tartanka Koobka Adduunka

Wararka ciyaaraha tartanka Koobka Adduunka

Goolhayaha Denmark wuxuu sidoo kale yiri " waxaan doonaynay oo kaliya inuu soo arko gabadha u dhalatay daafaca kooxda qaranka ee Denmark".

Xulka qaranka Denmark ayaa Sabtidii hal gool uga badiyey kooxda dalka Peru.

Balse wuxuu dalka Ruushka ku soo laabtay Isniintii.

Denmark maanta waxay la cayaarayaan xulka kubadda cagta ee Australia.

Lahaanshaha sawirka Jonas Knudsen/Instagram
Image caption Jonas Knudsen wuxuu barta Instagram-ka soo geliyay sawirka canuga u dhashay

Mowduucyada la xiriira