Maxaa lagu heystaa xaaska ra'iisul wasaaraha Israa'iil?

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu sheegay in eedeymaha loo haysta xaaskiisa ay yihiin waxbo kama jiraan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu sheegay in eedeymaha loo haysta xaaskiisa ay yihiin waxbo kama jiraan

Xaaska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si khaldan u isticmaashay lacagta dowladda.

Sara Netanyahu ayaa la sheegay inay isdaba marisay lacag gaaraysa $100,000 oo lagu talagalay in loogu soo adeego guriga ra'iisul wasaaraha.

Wasiirka caddaaladda ee Israa'iil wuxuu sheegay in Sara ay baalmartay xeerka aaminaadda ee dowladda islamarkaasna booliska ay baaritaan ku hayaan.

Balse xaaska ra'iisul wasaaraha waxay beenisay in wax khalad ah ay samaysay.

Qareennadii difaacayay waxay ku tilmaameen go'aanka inuu yahay mid aan macqul ahayn oo khalad ah.

Khamistii ayay ahayd markii xaaska ra'iisul wasaaraha iyo Ezra Seidoff oo agaasimo ku-xigeen ka haan jirtay xafiiska ra'iisul wasaaraha lagu soo oogay eedeymo musuq maasuq ah.

Diyaaradaha Israa'iil oo "duqeeyay Suuriya"

Israa'iil oo "qaabileysa agoonta Suuriya"

Xeer ilaaliyaha degmada Jerusalam wuxuu sheegay in go'aanka ka dhanka ah Sara Netanyahu iyo Seidoff la gaaray kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay dhammaan caddaymihii ay hayeen islamarkaasna ay miisaameen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa'iil Avichai Mandelblit ayaa shaaca ka qaaday horraan inuu eegaya baaritanada muddada dheer socday ee lagu hayay eedaha musuq maasuq ee Sara Netanyahu loo haysto taaso inta badan warbaahinta Israa'iil ay siyaasaba kala duwan uga hadleen.

Maxay yihiin eedeymaha loo haysto?

Sara Netanyahu iyo Seidoff ayaa la sheegay in lacago badan ay u isticmaaleen cunto la geeyay guriga ra'iisul wasaraaha Israa'iil intii u dhexeeysay bishii September 2010-kii ilaa Marso 2013-kii.

Waxaana sidoo kale la sheegay in lacago badan ay kusoo kireeyeen rag cunnada kariyo.

Bayaan kasoo baxay bishii september xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Israa'iil ayaa lagu sheegay in lacago gaaraya $100,000 loo isticmaalay cunno la geeyay guriga ra'iisul wasaaraha.

Ra'iisul wasaare Netanyahu ayaa ka carooday musuq maasuqa loo haysta xaaskiisa wuxuuna u arkaa inay tahay tallaabo lagu ugaarsanaya qoyskiisa oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta mucaaridka.

Benjamin Netanyahu ayaa boggiis Facebook kusoo qoray " Sara waa haweeney xoog leh oo xushmad leh, wax khaladaad ah ma aysan gelin waligeed"

Mowduucyada la xiriira