Kuuriyada Waqooyi oo badashay borobagaandadii

Boorkan waxaa ku qoran in xiisadaha la yareeyo si uusan dagaal u dhicin Lahaanshaha sawirka DPRKToday
Image caption Boorkan waxaa ku qoran in xiisadaha la yareeyo si uusan dagaal u dhicin

Bilihii lasoo dhaafay, waxa ay u muuqataa in laamaha borobagaandada u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi ay badalayaan codkii ay ku hadli jireen iyo fariimihii ay faafin jireen.

Boorarka waxaa markii hore ku qornaan jirey fariimo ka dhan ah Maraykanka, kaas oo loo arkay cadawga koowaad ee Kuuriyada Waqooyi.

Balse dadka dhawaanta booqday Pyongyang ayaa sheegaya in uu dhacay isbadal weyn.

Maraykanka hadda ma ahan cadawga koowaad?

Inta badan dadka reer Kuuriyada Waqooyi galaangal uma lahan wararka iyo xogaha, meesha kaliya ee ay wararka ka helaana waa warbaahinta dowladda oo kaliya faafisa dacaayado maamulka lagu taageerayo.

Iyada oo caadi ahaa boorarka lagu xardhi jiray hanjabaado loo jeedinayo Maraykanka ayaa waxaa hadda badalay horumarka dhaqaalaha ee la doonayo in dalkaas la gaarsiiyo.

Lahaanshaha sawirka Peter Ward
Image caption Boorarkii Maraykanka lagu maagi jirey
Lahaanshaha sawirka DPRKToday
Image caption Boorkan waxa uu muujinayaa heshiiska nabadeed ee labada Kuuriya

Kadib wadahadlo bilo qaatay, labada Kuuriya iyo Maraykanka ayaa waxa uu horseeday rajo laga qabo nabadda.

Lahaanshaha sawirka DPRKToday
Image caption Boorkan waxaa ku qoran horumar laga gaaro seeyniska

Waxyaabaha isbadalay waxaa ka mid ah fariimihii ku qornaa waraaqaha boostada iyo dokumendiyada dowladda ee ku saabsanaa gantaalada niyuukleerka ah iyo awoodda ciidan.

Meelaha isbadalka ku dhacay xitaa waxaa ka mid ah wargeyska qaranka ee afka dowladda ku hadla, kaas oo badalay aragtiyadii uu gudbin jiray.

Waxa uu warar aan fiicneyn ka qori jiray Maraykanka , iyada oo xukuumadda Washington loo muujin jirey qaab aan haboonayn.

Lahaanshaha sawirka Rodong Sinmun
Image caption Wargeyska Rodong Sinmun ayaa sawirradan boggiisa hore ku qoray

Mowduucyada la xiriira