Dowladda Soomaaaliya oo la dagaalanka dhuxusha la kaashanaysa Booliiska Adduunka

. Lahaanshaha sawirka Mary Harper, BBC

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr Axmed Daahir ayaa lagu sheegay baaritaano lagu hayo dhoofka dhuxusha ee Soomaaliya, baaritaankaas oo lala kaashanayo hay'adda booliiska adduunka ee Interpol iyo tan Afrika ee Afripol.

Qoraalkan ayaa fariin lagu gaarsiiyay ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka baaqsadaan dhoofinta dhuxusha si toos ah iyo mid dadbanba, iyada oo looga digay in dhoofka dhuxusha uu yahay fal dambiyeed kusoo baxay qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeedba.

Ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee ay ka midyihiin kuwa badaha waardiyeeya iyo AMISOM ayaa lagu dhiirogaliyay in ay u indho furnaadaan gaadiidka badda iyo kan dhulka ee dhuxusha lagu daabulayo, xitaa haddii dhuxushaasi aysan ka imanin Soomaaliya.

Waa talaabadii koowaad oo xagga dhaqangalinta loo qaaday tan iyo intii dowladda federaalka ay dhawaan shir caalami ah oo dhuxusha ku saabsan ku martigalisay Muqdisho, shirkaas oo baaqyo laga soo saaray.

Jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo ayaa dhibaato ba'an ku haya deegaanka guud ahaan Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira