Haweenay orod jirdhis ah samanaysay oo lugaheeda ku doonatay xabsi

Xudduuda Canada iyo Maraykanka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xudduuda Canada iyo Maraykanka

Haweenay da' yar ooo u dhalatay dalka Faransiiska, balse ku sugnayd dalka Canada ayaa orod rucleyn ah oo jirdhis ah u aadday xeebta dalkaas, balse iyada oo aanan is ogeyn ayay goysay xudduuda Maraykanka, halkaas oo la dhigay xabsi.

Ciidamada illaalada xudduudaha Maraykanka ayaa gabadhan u xiray sidii iyada oo ah qof soogalooti ah oo sharci darro ku galay Maraykanka.

Cedella Roman oo 19 jir ah, ayaa booqasho ugu tagtay hooyadeed oo Canada degan, waxayna warbaahinta Canada u sheegtay in ay dhawr mitir uun gudaha u gashay dhulka Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka CBC
Image caption Cedella Roman

"Uma aanan malaynaynin in la i xiri doono, kaliya waxaan is lahaa haddii ay ugu badato waa lagu ganaaxayaa maadaamaa aanan si ula kac ah u samaynin" ayay tiri.

Markii la qabtay ayaa waxaa loo kaxeeyay xero lagu hayo dadka soogalootiga ah oo 220km u jirta meeshii laga qabtay, halkaas oo lagu magacaabo Tacoma Northwest oo ku taala gobolka Washington.

Image caption Qariidada

Waxaa lagu xirey qol ay ku jiraan dad ka badan boqol qof, halkaas oo ay eeyo waardiyo ka hayeen.

Markii dambe ayaa loo ogolaaday in ay la xiriirto hooyadeed Christiane Ferne, taas oo ugu timid xabsiga, iyadda oo wadday baasaboorka gabadha si loosoo siidaayo.

Balse saraakiisha Maraykanka ayaa diiday in ay siidaayaan gabadha illaa mas'uuliyiinta socdaalka Canada ay ka imanayaan, waxaana la siidaayay 15 maalmood kadib markii la xirey.

Afhayeen u hadlay illaalada xudduudaha Maraykanka ayaa sheegay in qof kasta oo soo gooya xudduuda Maraykanka isaga oo aanan sharci wadanin in uu jabiyay sharciga, lana xirayo.

Lahaanshaha sawirka EyesWideOpen/Getty
Image caption Haweenay ordeysa

Mowduucyada la xiriira