Keymaha dhirta DRC oo laga digay inuu xaaluf soo gaaro

Keymaha Congo Kinshassa
Qoraalka sawirka,

Keymaha Congo Kinshassa

Hay'adda Global Witness ayaa sheegtay dhirta DRC haddii aan si sax ah loo mareyn ay deegaanka u horseedi karto xaaluf inuu ku yimaaddo.

Hay'addu waxay soo saartay warbixin ay ku sheegeyso shirkadda Norsudtimber ee alwaaxda ka shaqeysa iney si sharci darra ah uga shaqeysato jamhuuriyadda dimuqraadiga Kongo.

Warbixinta oo ku soo beegantay 4 bilood un kaddib marki ay dowladda Kinshasa ay shatiga u fasaxayo 4 shirkadoodd oo laga leeyahay dalka Shiinaha siisay.

Dowladduna waxay sheegtay inuu heshiisku sharci darra noqonayo haddii bulshada ay ka faa'ideysan weydo.

Qaybo dowladda ka madax bannaan ayaa iyagauna sheegaya haddii heshiiska si wanaagsan loo meel mariyo inuu faa'ida badan leeyahay.

Dalalka Norway iyo Faransiiska ayaa waxay sheegeen iney Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo siiyaan 18 milyan oo doolar oo arrimaha deegaanka lagu maareeyo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo oo ah dal aad u weyn oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga 60% dhulka waddankaasi waa kaymo dhir aad u badan leh.

Global Witness ayaa waxay warbixinteeda ku soo gabagabeysay iney aad u adag tahay waxyeellada ay u geysaneyso dhirta la jaro.