Maxaa loo fasiran karaa xilkii laga qaaday korneel Gabre?

Maxaa loo fasiran karaa xilkii laga qaaday korneel Gabre?

Isbadelka ka hana qaaday dalka Itoobiya oo bilihii ugu dambeeyay si xowli ah ku socday ayaa haatan waxa uu u sii gudbay siyaasiyiinta iyo dadka magaca leh ee dalkaasi ku matala gobolka Geeska Afrika.

Waxaa ka mid ah dadka seefta isbadelka ay la tagtay Korneel Gabra oo intiinii shalay ina dhageysatay aannu sheegnay in ninkaasi laga qaaday xilkii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD.

Haddaba maxaa loo fasiran karaa xilkaqaadistaasi? Maxayse siyaasadda Soomaaliya uga dhigan tahay? Su'alahaas oo kuwa kale ayaannu waydiinnay Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika, oo uu khadka taleefanka ee Nairobi Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ku waydiiyay in qaabka xilka Gabre looga qaaday loo maray wadadii saxda aheyd?