Nin iibin jiray hilibka bisadaha si saambuus looga sameeyo oo la xukumay

Bisad

Xigashada Sawirka, Shirlaine Forrest/Getty Images

Qoraalka sawirka,

Bisad

Nin u dhashay dalka Kenya oo ka ganacsanaayey hilibka bisadda si looga sameeyo sambuuska ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

James Kimani, ayaa lagu helay dambi ah inuu macaamiisha ka iibin jiray hilibka bisadaha.

James Kimani ayaa qirtay dambiga wuxuuna sheegay inuu ka iibinyay macaamiil ku sugan magaalada Nakuru ee dalka Kenya.

Kimani ayaa la sheegay inuu howshan ku jiray muddo toddobo sano ah.

Waaxda xakameysa isticmaalka hilibka ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ka ganacsiga hilibka bisada laga mamnuucay Kenya.

Balse iyadoo hilibka bisadda loo aqoonsanyahay mid aan wanaagsanayn oo aanan loo ogolayn inay dadka isticmaalan ayaa dadka qaar waxa ay sheegayaan in waddamada qaar laga jecelyahay hilibka bisadda uuna yahay mid aad u macaan.

Wargeyska Dialy Nation ayaa maanta ku sugnaa maxkmadda lagu xukumay Kimani.

Wuxuu qirtay inuu gacantiisa ku gowracay ilaa 1000 bisadood islamarkaasna uu ganacsiga bisadaha ku howlnaa 7-dii sanno ee lasoo dhaafay.

Githua Kaba oo ah sarkaal u qaablisan caafimaadka xoolaha ayaa sheegay in ka ganacsiga hilibka bisadaha uu maamnuuc ka yahay Kenya.

Ninkan wuxuu sheegay in faa'iido ahaan uu ka helay ka ganacsiga hilibka bisadaha adduun gaaraya $500.

Waxaa si joogta ah hilibka bisadda looga isticmaala qaar ka mid ah wadamada galbeedka Afrika.

Waxaa sidoo kale hilibka bisadaha laga cunaa dalalka kala ah Shiinaha, Vietnam iyo Kuuriya.