Sawirro: Amiir William iyo booqashadiisii Bariga Dhexe

Amiirka boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ku joogo waddamada Bariga Dhexe ee Urdun, Israa'iil iyo Falastiin.

Amiir William ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan qoyska boqortooyada oo booqasho rasmi ah uu ku taga Bariga Dhexe .

Maalintii Talaadada , Amiir William wuxuu tagay magaalada Quddus, wuxuuna la kulmay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo marwada kowaad.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William ,Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo marwada kowaad.

Amiirka ayaa sidoo kale booqday xarunta Yad Vashem ee ku taalla Qudus ,wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu xusayey yuhuud gaaraysa 6 milyan oo ay dileen Naasiyiinta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William ,Madaxa Yad Vashem, Avner Shalev
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey yuhuud gaaraysa 6 milyan oo ay dileen Naasiyiinta.

Isniintii, Amiir William iyo dhaxal sugaha Jordan amiir Xusseen Bin Cabdullaahi ayaa booqday xarun ciidan oo uu Ingiriiska taakuleeyo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William iyo dhaxal sugaha Urdun, amiir Xuseen Bin Cabdullaah

Waxay sidoo kale booqdeen xarunta Dar Namah , oo saldhig u ah ururka ay aasaastay amiirad Taghrid si ay shaqo abuur ugu sameyso gabdhaha agoomaha ah marka ay gaaraan 18 sano.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xarunta Dar Namah
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir Wlliam oo booqday xarunta tababarka iyo hormarinta ee ay madaxda ka tahay amiirad Taghrid
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo booqday Jaamacadda Luminus ee Amman
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo la kulmaya ardayda Jaamacadda

Amiiradda ayaa Amiir William geysay magaalada qadiimiga ee Jerash.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo booqanaya magaalada qadiimiga ee Jerash
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiiir William iyo Dhaxal sugaha Jordan Xuseen oo booqanaya magaalada qadiimiga ee Jerash

Xilligii uu booqanayey Jerash ,waxa uu halkaas ku arkay sawir qadiimi ah ee amiirad Catherine iyo aabaheed oo halkaas fasax u tagay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amiir William, iyo sawirka amiirad Catherine

Amiirka ayaa sidoo kale sawir la galay carruur u dhalatayay dalka Suuriya iyo kuwa u dhashay Urdun.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiirka ayaa sidoo kale sawir la qaatay carruur u dhashay dalka Suuriya
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo ku dhex jira carruur ku sugan Jerash.

Amiir William ayaa Axaddii tagay Urdun, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Marka dhaxal sugaha Urdun.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Marka
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amiir William oo uu soo dhaweeyey dhaxal sugaha Jordan
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo booqday hay'adda uu madaxa u yahay dhaxal sugaha Urdun
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir William oo ku sugan Cammaan, Urdun.

Amiir William ayaa sidoo kale booqday qaybaha waxbarashada, oo ku sugnaa safaaradda Ingiriiska.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Safiirka Ingiriiska Jordan u fadhiya Edward Oakden
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amiirka oo la kulmay qaybo ka mid ah waaxda waxbarashada

Amiirka ayaa sidoo kale halkaasi ku daawaday ciyaartii dhexmartay Ingiriiska iyo Panama ee tartanka ciyaaraha koobka adduunka maalintii Axadda ahayd.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiirka oo daawanaya ciyaartii dhexmartay Panama iyo Ingiriiska

Mowduucyada la xiriira