Mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Sudan oo heshiis wada gaaray

Salva Kiir iyo Machar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Salva Kiir iyo Machar

Madaxwaynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir, iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar,ayaa kala saxiixday heshiis si loo soo afjaro dagaalka sokeeyay ee dalkaasi ka socday muddo 5 sano ah.

Sida ku cad heshiiskani xabbad joojin ayaa dalkaasi ka dhaqan gali doonta muddo 72 saacadood gudahood ah.

Dagaalka sokeeyo ee Koonfurta Sudan ayaa burburiyay dalkaadsi.

Waxaa dagaalka ku dhintay tobonaan kun oo qof oo rayid u badan.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku barakacay ku dhawaad afar milyan tiradaasi oo ah saddex meeloo marka dalkasi loo dhigo meel.

Dadaalo horey loogu doonayay in lagu soo afjaro colaadda koonfurta Sudan ayaa guuldaraeystay.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan ay qayb ka tahay in la siidaayo qaar ka mid ah maxaabiista siyaasadda u xiran.

  1. Shaqaale gargaar oo lagu dilay Koonfurta Sudan
  2. Ciidamo isku gadaamay guriga madaxii hore ee militariga Koonfurta Sudan
  3. Colaadda Suudaanta Koonfureed oo 4 sano jirsatay

Mr Kiir iyo Mr Machar ayaa kulamo ku yeelanayay magaalada Khartuum, waxa ayna sidoo kale toddobaadkii aanu soo dhaafnay ay ku kulmeen dalka Itoobiya.

Waxa uu kulankaasi ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara labada hogaamiye muddo labo sano ah.

Heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen mucaaradka Koonfurta Sudan iyo dowladda ayaa burburay,waxa ayna labada dhinac mid midka kale uu ku eedeeyay masuuliyada burburka heshiiska.

Ma cadda ilaa iyo imika waxa uu heshiiskani kaga badalnaan doono heshiisyadii hore ee labada dhinac ay gaareen.

Mowduucyada la xiriira