Waa sidee xaaladda caafimaad ee rugcadaaga Diego Maradona?

Diego Maradona waxa uu goob joog ka ahaa dhammaan ciyaarihii Argentina ee koobka kubada cagta 2018 Lahaanshaha sawirka .
Image caption Diego Maradona waxa uu goob joog ka ahaa dhammaan ciyaarihii Argentina ee koobka kubada cagta 2018

Rugcadaaga reer Argentina ee dhanka kubadda cagta Diego Maradona ayaa sheegay in "caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay " ka dib markii la arkay dhakhtar la jooga markii ay xalay socotay ciyaartii dhexmartay xulka dalkiisa iyo Nigeria.

Maradona oo 57 jir ah ayaa ahaa kabtanka kooxda- Argentin markii ay koobka aduunka qaadayeen sanaddii 1986.

Waxa uu imika sheegay "in ay aad u xanuunto qoorta".

Maradona ayaa soo dhigay sawir baraha bulshada isaga oo ay la socdaan shaqaalaha caafimaadka markii ay ciyaarta mareysay qaybtii dhexe, balse waxa uu beeniyay in Isbataal loo qaaday.

Waxa ay kooxda dalkiisa Argentina ay xalay Nigeria kaga badiyeen 2-1.

"Waxaan doonayaa in qof waliba aan u sheego in aan wanaagsanahay," waxa uu sidaasi ku soo qoray bartiisa Instagram.

"Waxaa baaritaan igu sameeyay dhakhtarka waxa uuna igula taliyay in aan guriga aado ka hor qaybtii dhexe ee ciyaarta , balse waxa ana doonayay in aan joogo sababtoo ah waxa ay ahayd arrinhalis ah, sidee ciyaarta uga tagayaa?"ayuu intaa ku daray Maradona.

Guushii ay xalay gaartay Argentina ayaa waxa ay uga dhignayd in ay u gudbaan wareegga kooxaha 16.

Waxa ay Sabtida la ciyaari doonaan dalka Faransiiska.