Wiil maalmahan la la'aa oo meydkiisa la helay?

Ryan Evans waa wiilka meydkiisa la helay school said earlier it was "deeply shocked" he was missing Lahaanshaha sawirka Staffordshire Police
Image caption Ryan Evans waa wiilka meydkiisa la helay school said earlier it was "deeply shocked" he was missing

Meyda wiilka 13 jirka ah ee Ryan Evan ayaa la waayey isaga iyo saaxibbadii oo balliga ku wada dabaalanayey.

Kooxaha gurmadka ayaa baadi goob ugu jiray Ryan Evan oo ay ugu wardambeysay qoyskiisa maalinta Isniinta xilligaana isaga iyo saaxibbadii ay ku dabaalanayeen balliga Stoke.

Wiilasha kale ee la socday oo 12 jir iyo 13 jir kala ahaa si nabad ah ayay uga baxeen balliga sida ay sheegeen booliska Staffordshire.

Qoraal ay booliska bartooda Tweetarka soo dhigeen ayay ku sheegeen iney ugu dambeynti heleen wiilka la la'aa ee Ryan Evan meydkiisa.

Qoyska Ryan ayaana lagu wargeliyey in meydka wiilkooda la helay baaritaan ballaadhan oo wakhti dheer qaatay kaddib.

Qoyska wiilka dhintay iyo saaxibbadii balliga kula dabaalanayey ee badbaaday maalinta Isniinta oo Ryan ugu wardambeysay waxay caawiyeen Pooliska baadi goobka wiilka ugu jiray.

Lahaanshaha sawirka Staffordshire Fire Service
Image caption Kooxaha gurmadka oo baadi goobka meydka Ryan ku guda jira

Wuxayna boolisku uga mahadceliyeen qoyska wiilka dhintay, saaxibbadii iyo bulshadaba sida ay uga qaybqaateen howlaha adeegga gurmadka ee lagu baadi goobayey Ryan.