Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay dagaalka Tukaraq

Qaramada midoobay oo ka walaacsan dagaalka Tukaraq Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaramada midoobay oo ka walaacsan dagaalka Tukaraq

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay aad uga walaacsan tahay iskudhacyo dhawaan dhex maray maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda isked madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Iskuduwaha qaramada midoobay u qaabilsan Somalia, Peter de Clercq, ayaa BBC-da u sheegay in khilaafka halkaas ka taagan ay ku dhinteen tobonaan dad ah ayna sidoo kale ku barakaceen dad kor u dhaafaya labo iyo toban kun oo qof.

Waxa uu sheegay in dadka barakacay ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata ayadoo halkaas ay dhawaan ku dhuften abaaro iyo duufaanno xigay.

Waxaa jira walaac laga qabo in kooxda jihaad doonka ah ee Alshabab iyo kooxda yar ee ka tirsan ururka isku magacaaba dawladda Islaamka ay ka faaidaystaan xaaladda halkaa ka taagan.