Qoondo intee la’eg ayuu deegaanka Soomaalida Itoobiya ka helayaa shidaalka?

Shidaal Lahaanshaha sawirka AFP

Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay.

Ceelashan oo daboolka laga feeday 28-dii June, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai'sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Haddaba dad badan waxa ay isweeydiinayaan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka heli doonaan shidaalka.

Waxaa su'aashaas ka jawaabay madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo dadweyne kula hadlayay magaalada Qabri Dahare, isaga oo sheegay in muddo boqol sano laga sheekeyn jiray kaydka shidaalka ee dhulka Soomaalida, balse maanta la xaqiijiyay himiladdii.

"Su'aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?" ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray "Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay" .

Sida uu qabo Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere}, oo ahaa guddoomiyaha jabhaddii WSLF ee Itoobiya la dagaalami jirtay, in madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ka qeybgalay daahfurka ceelasha shidaalka ay ka dhigantahay isbadal wanaagsan, balse waxa uu intaas ku daray "waxaasa jira caqabado, waxaana ka mid ah ka talogalin la'aanta dadka arramaha kheyraadka, suurtogalna ma ahan in dadka aanan la talogalinin".

Sheekh Ibraahim Dheere ayaa dhanka kale yiri "waa in la xaddidaa qoondo la'isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin".

Waxa uu xusay in shidaalka uu la iman karo caqabado xagga deegaanka, taasna ay tahay in laga taxadaro.

Balse cid kasta kuma faraxsana sida hawsha u socoto, afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo hantidii dadka lasoo saaro iyada oo aanan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi doonaan wax kasta oo ay ku qaadataba.

Mowduucyada la xiriira