Carruur la la'aa oo ayagoo nool laga helay bohol

Muuqaalkii ugu horreeyey ee carruurta oo nool
Image caption Muuqaalkii ugu horreeyey ee carruurta oo nool

Kooxaha samata bixinta ayaa ku hawlan sidii ay 12 wiil iyo tababarahoodii kubadda cagta u soo saari lahaayeen, kuwaasoo la helay ayagoo nool oo ku dhex jira bohol ay biyo ka buuxaan, dalka Thailand.

Muddo 9 maalmood ah ayaa la la'aa. Muuqaallo Fiidiyoow oo laga soo duubay ayaa muujinaya markii ay quusayaal British ah ay la kulmeen carruurtaas oo diif ay ka muuqatay,kuwaasoo ku sugnaa meel qallalan laakinse ay biyo ku hareereysnayeen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah waalidiinta carruurta oo ku faraxsan in caruurtooda la helay
Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Waa wiilasha iyo tababarahooda

Cunno iyo dawo ayaa loo qaaday.

Kooxaha samata bixinta ayaa iminka go'aan ka gaaraya in ay kooxdaas soo dhex mariyaan marinnada ay biyuhu ka buuxaan, ayadoo la isticmaalayo qalabka quusidda, ama ay sugaan ilaa inta ay tabartooda uga soo noqonayso oo biyahana dibadda loo soo bam garaynayo.

Mowduucyada la xiriira