Qalliin isha bu'deeda lagu samaynayo oo Hargaysa laga hirgaliyey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qalliin isha bu'deeda lagu samaynayo oo Hargaysa laga hirgaliyey

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan isbitaalka indhaha ee magaalada Hargeysa, waxaa markii ugu horreeyay lagu sameeyay qalliin ay dhakhaatiirtu kaga beddeleen dad bukaan ahaa isha wilkeeda ama bu'deeda, oo ay u geliyeen wilka isha qof kale oo dhintay .

Haddaba qaliinkan iyo dad gaadhaya ilaa todoba qof oo lagu guuleystay in loo geliyo il qof kale laga soo saaray intii aanu dhiman, oo weliba laga keenay dalka Mareykanka, ayaa waxaa aanu ka wareysanay Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ka mid ah dhakhaatiirka indhaha ee isbitaalka Menhal ee Hargeysa. Wuxuu u waramay weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid Cige.

Mowduucyada la xiriira