Xarun farsamada gacanta lagu barto oo Kismayo laga hirgeliyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun farsamada gacanta lagu barto oo Kismayo laga hirgeliyay

Magaalada Kismaayo waxa ka furan xarun dumarka lagu baro xirfado ay ka mid yihiin sida cawda loo falkiyo loogana sameeyo alaabaha ay kamidka yihiin darimaha, dambiilaha iyo babaisyada. Sidoo kale waxa la baraa dumarka xaruntan wax ka barta sida cilaan saarka iyo sida loo naqshadeeyo dharka baatiga ah.

Weriyaha BBC-da Ibrahim Maxamad Adan oo dhawaantan safar shaqo ku tagay kismaayo ayaa la sheekeystay gabdhaha xarunta wax ka dhiga iyo kuwa wax labaraba.