Dhakhaatiir  ka socda dalka Cuba ayaa  Kenya soo gaaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhakhaatiir ka socda dalka Cuba ayaa Kenya soo gaaray

Madaxweyne dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in 100 dhakhaatiir oo ka socda dalka Cuba ay ka howl gali doonaan 47 ismaamul goboleed ee uu dalka ka kooban yahay.

Dhakhaatiirtan oo leh takhasusaad kala duwan oo dhanka caafimaadka ah ayaa waxa meelaha la geeyay ka mid ah Garissa.

Axmed naadir oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee Garissa ayay BBC amuurtan ka wareysatay.