Dabridka dabaaldegga xoriyadda Maraykanka oo lagu badalay diyaarad yar

Illaa 50 drones ayaa hawada la galin doonaa Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Illaa 50 drones ayaa hawada la galin doonaa

Sanad kasta marka la gaaro 4-ta Luuliyo oo ku beegan maalinta xoriyadda ee Maraykanka ayaa magaalada Aspen waxaa caado u ahayd in la sameeyo dab-rid iyada oo la isticmaalayo baaruud, si cirka looga sameeyo bikaaca illeysyada.

Balse cabsi laga qabo in uu dab dhasho, kuna faafo keymaha ayaa waxaa sanadkan hawada loo dirayaa illaa 50 diyaaradaha yaryar ee Drones-ka loo yaqaano, kuwaas bixin doona leyrar habeenkii hawada ka muujiya middibo kala duwan.

Midabbada ayaa ah kuwa uu ka koobanyahay calanka Maraykanka.

Isticmaalka kala duwan ee diyaaradan yaryar ayaa aad usii kordhaya, iyada oo waxyaabo aad u kala duwan loo adeegsanayo dalka Maraykanka.

Mowduucyada la xiriira