Malaayiin dumar ah oo diiday in ay banaanada kusoo xaajo gutaan

Haweeney Hindi ah oo biya baaldi ku sidato Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Haweeney Hindi ah oo biya baaldi ku sidato

Cadceed kulul ayaa taagan, heer kulkana wuxuu kor u dhaafay 40.

Caasimadda Hindiya ee Delhi waa ay kulushahay, Mona (magaceeda la qariyey) ayaa waxay si ula kac ah u joojiyeen cabidda biyaha. Iyada oo ka cabsaneyso iney kaadi qabato ayaa tiri "Mararka qaar waxaan cabbaa biya aad u yar sababta oo ah markaan rabno inaan bannaanka kaadi u aadno dhulka bannaan wiilashana ay nala isticmaalna. Waan ka cabsadaa inaan halkaasi tago" .

Gabar yar oo 13 jir ah iyadana cuntada ayaa laga joojiyey hal wakhti mooyee si ay suuli badan ugu baahan, maalinti oo dhan hal mar ayay suuli u baahataa, oo weliba ah subixi hore ama xilli dambe oo fiidkii ah.

Ku dhawaad 524 milyan oo Hindiyaan ah ayaanan haysanin musqulo, waxayna ku xaajo gutaan dhul banaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dumarkana markay dhulka bannaan u kaadi tagayaan waxay khatar u galayaan iney la kulmaan xad gudub jinsi ama kufsi .

Talobixinno badan oo la soo jeediyey ayaa waxay sheegayaan in haweenka aan guriyahooda suuliga ku lahayn ay u nugul yihiin dhibaatooyin kufsi iyo tacaddiyo jinsiga la xiriira.

Image caption Savita oo ka mid ah haaweenka ka baqo bannaanka iney u baahan si aan kufsi loogu geysan

Savita, oo ku nool duleedka Delhi waxay shegeysaa iney maalin walba ay la kulanto dhacdooyin naxdin leh.

"Dumar badan ayaa waxay la kulman ay tiri tacaddiyo, xadgudub iyo kufsi oo dumarnimadooda lagu beegsanayo oo ay u geystaan wiilasha deegaanka." ayay tiri.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
100 dumar iyo Orodada: Maryan Nuux Muuse

"Waa sababta keentay inaan ka cabsanno inaan bannaanada u kaadi tagno. Markasta waxaan dumarka ku boorrinnaa iney iyaga oo koox ah israacaan markasta oo ay bannaanka u baxayaan ay iska warhayaan" ayay intaas ku dartay.

Yareynta biyo cabista

Maxaa dhacaya marka haweenkan lagu qasbo iney kala doortaan badqabkooda iyo caafimaadkooda?

"Dumarka si ula kac ah waxay isku dilayaan iney jirkooda biyaha ka dhammaadaan, arrintaasi oo khatar inteeda le'eg leh, maadaamaa ay cimiladu aad u kulushahay" ayuu yiri Gulrez Shah Azhar, oo ka shaqeeya wakaalad cilmi baadhis oo Mareykanka laga leeyahay.

Mar ay daraasad ku sameeynayeen heer kulka sanadkii 2010, ee magaalada galbeedka Hindiya ku taallo ee Ahmedabad, waxay daraasaddu soo saartay ayuu yiri Gulrez iney haweenka ay uga dhimasha dhaw yihiin kuleylka marka haweenka la barabar dhigo.

"Waxaana la aaminsan yahay haweenka guriyahooda aan ka soo bixin iney kuleyka badan khatar aad u weyn kala kulmin."

Image caption Bhuni iyo Shelukar oo biya raadsanayo iyada oo kuleyl saa'id ahna uu jiro

Wuxuuna sheegay iney jiraan sababo dhowr ah oo keenaya iney arrimuhu ka sii daraan oo ay ka mid tahay fayadhawr la'aan.

Guryaha qaarkood waxay qaboow ka helaan marwaxado la soo iibiyo iyada oo adeegga korontadana aan si joogta ah loo helin.

Guriga gudahiis oo wax lagu kariyo qaaca ka dhashaana, wuxuu keenaa inuu kuleyl saa'id ah uu halkaa ka dhasho.

Kuleylka Saa'id ah

Bhuni iyo Shelukar oo ka soo jeeda tuulada Makhla ee ka tirsan Vidarbha ee gobolka Maharashtra, halkaas oo xilliga xagaaga kuleylka uu aad kor ugu koco, islamarkaasna gaaro illaa 47 heer kulka.

Waxaana soo food saartay deegaannadaasi biya la'aan ba'an, Bhuni iyo haweenka kale ee la midka ah cimilada oo sidaa u kulul waxay madaxa ku soo qaadayaan biya dhowr liitir ah.

"Waxayna sheegeen 2-3 km iney lugeeyaan si ay biya u helaan, biyahaasi weliba aan ahayn kuwa ku filan, haddii ay u baahdaan laba weel iney biya ku soo qaataan ay laba mar noqonayaan maadaamaa halki mar ha weel ka badan la qaadi karin.

"Culeys intee le'eg ayaan madaxa ku qaadnaa? annaga oo daallan ayaan imaaneynaa," ayey tiri Bhuni xilli ay gurigeeda ku soo noqotay.

Image caption Haweenka waxay masuul ka yihiin howlaha guriga oo dhan

Magaalada galbeed ee Ahmedabad, dumarka waxay ka hadlayaan caadooyinka dumarka ku qasbayo iney wax walba qabtaan, sida cunta karinta iyo nadaafadda, iyaga oo an caafimadkooda xataa mas'uul ka noqon karin.

Damini Rameshbhai Marwadi waxay ka mid tahay hawenkaasi.

"Suuliyadu xataa inaan isticmaalno wey nagu adag tahay. Waa inaan sugnaa intey ragga nagaga horreynayaan"

'Anigu waan isxakameeyey'

"Ka haween ahaan marka hore waa inaan iska dhammeynaa howsha guriga. Xilliga xagaagana si aan cagaarshow u qaadin waan isxakameeyaa"

Gulurez wuxuu yiri "dhaqanka dumarka iney hadlin oo ay dhibaatooyinkooda kaa aamusaan oo ay ka mid ah nadaafaddooda waxay haweenku u horseedesaa dhimasho".

"Xalka wakhtiga fog ayaa wuxuu yahay in laga shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha la xidhiidha sinnaanta jinsiga iyo xuquuqda haweenka."

Image caption Jiingad riinji cad la marinayo si kuleylka looga hortago

Shir ay dowladuhu yeesheen oo ku saabsan isbeddelka cimilada (IPCC), oo qayb ah cilmiga saayniska cimilada ee qaramada midoobay, wuxuu ka digay Koonfurta Aasiya inuu kuleylka uu ku sii saa'idayo. Gobolkasi oo ah halka ay shan meelood meel ku nool yihiin dadka dunida ku nool.

"Dalalka oo dhan digniintaasi waa la gaarsiiyey, inta badan waddamada Koonfurta Aasiya, sida ay ku soo saartay warbixinta 5aad ee ay IPCC."

Gurlez wuxuu sheegay in loo baahan yahay xal deegaannada waafaqsan, oo ay ka mid yihiin telefannada gacanta oo ay dadku kala socdaan heerkulka, markay u baahdaan ay gurmad ku soo dalbadaan.

Tillaabooyinka kale oo xalka ku meel gaarka ah noqon karo waxaa ka mid ah in jiingadaha saqafka guriyaha saaran riinji cad la mariyo, in daaqadaha waxyaaba adag oo kuleylka celiya la isaga xiro, dumarka oo guryahooda suuliyo looga sameeyo iyo biya nadiif ah oo ay bulshadu hesho.