Wasiirka warfaafinta Soomaaliya: waa la wada dilay dableydii weerartay Otto Otto

. Lahaanshaha sawirka ABDIRIZAK ATOSH/BBC
Image caption .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyadu soo gabagabeeyeen hawlgal ay dib ugu qabsanayeen dhismaha Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga kadib markii saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhismaha weerar ku galeen.

Dad goobjoog ah ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaastii xigtay ee ka dhacay dhismaha.

Madax gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa isna waxa uu BBC-da u sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ahi yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyda qaraxyada iyo weerarada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa xaqiijiyey in ciidamadada dawladdu haatan si buuxda gacanta ugu hayaan xaruntaa weerarka lagu qaaday.

Wasiirka oo warfidiyeenka la hadlay ayaa waxa uu yidhi "ciidamada amninga iyo dawladda qaybaheeda kale markii waa ay la falgaleen. Markii ay la falgaleena wakhti yar ayay ku soo af jareen. Raggii argagixisada ahaa ee weerarka soo qaaday gabigood waa la dilay. Dad Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan oo wasaaradda joogay iyo dad kale intaba way dhaawaceen waxana waa dileen. Inta dhimatay Allah ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna dawladda Soomaaliya waxa ka go'an siday markii horeba ay ahaan jirtay dadkeeda inay ka difaacdo in la wax yeelleeyo hadii wax yeello ay soo gaadhana ay daawayso"

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadadii la soo dhaafay xasiloonayd oo aan wax qaraxyo ahi ka dhicin.

Weerarkan lala beegsaday xarunta wasaaradda amniga ayaa waxa uu marag u yahay in ururka Al-Shabaab aan si buuxda loo wiiqin oo uu yahay mid leh awood lagu xisaabtami karo oo qaadi kara weerarro culus oo uu ku beegsanayo xarumaha waaweyn ee dawladda ee aadka loo ilaaliyo.

Weerar lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Muqdisho

Maxay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Dr Abiy?