Muhimadda ay leedhahay booqashada Dr Abiy Axmed ee Eritrea

Muhimadda ay leedhahay booqashada Dr Abiy Axmed ee Eritrea

Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta lagu wadaa in booqasho taariikhi ah uu ku tago magaalada Casmara ee casimadda Eratariya.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai'sul wasaara ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Erateriya muddo 20 sano ah.

Horey waxa magaalada Adis Ababa booqasho ku yimid ergo ka socotay dalka Eratariya.

Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 2 sano ah islamarkana labada wax xiriir ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ak dambeeyay.

Hadaba booqashada raisul wasaaraha Itoobiya ee maanta lagu wado in uu ku tago Eratariya ahmiyad intee la dhan ayay leedahay, su'aashaasi iyo kuwa kale ayaan waydiiyay Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha gobolka