Mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Sudan oo heshiis gaaray

Riek Machar iyo kiir Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Riek Machar iyo kiir

Dowladda Sudan ayaa shaaca ka qaaday in mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Sudan ay wada gaareen heshiis.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan ayaa sheegay in dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan ay ku heshiiyeen in ay awoodda qaybsadaan.

Ka dib wadahadalo ay ku yeesheen dalka Uganda ayaa madaxwaynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir waxa uu dib u soo celin doonaa hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar, oo noqon doono madaxwayna ku xigeen.

Wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiskan , balse wareeg labaad oo wadahadalo ah ayaa lagu wadaa in la qabto maalmaha soo socda.

Mr Kiir ayaa xilka ka qaaday Mr Machar 2013, ka dib markii uu ku eedeeyay in uu afgembi qorshaynayay.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaal sokeeye oo tan iyo xilligaasi ka qarxay koonfurta Sudan.

Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin ah .

Mowduucyada la xiriira