Godka hoostiisa ayuu maalmo kula qaatay carruurta si uu caafimaadkooda uga warhayo

Xigashada Sawirka, OZTEK/RICHARD HARRIS
Dr Richard Harris ayaa 3 maalmood ku jiray godka
Waxa uu ka yimid dalka Australia, wuxuuna dalxiis u tagay dalka Thailand, balse markii ay soo ifbaxday masiibadii carruurta 12-ka ah ee godka hoostiisa ku go'doomay ayuu go'aansaday in uu ka qeyb qaato gurmadka.
Inta uu xirtay qalabka biyaha lagu quuso, ayuu godka salkiisa ugu tagay carruurta, halkaas oo uu kaalin xoog badan ka qaatay gurmadkii loo samaynayay.
Waxa uu bixiyay tallooyin muhiim ah, oo ay ka mid tahay in carruurta kuwa jilicsan marka hore la badbaadiyo, isaga oo si joogto baaritaan ugu fidinayay carruurta iyo tabobarahooda.
Isaga ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee godka laga soo badbaadiyay kadib markii carruurta laga soo saaray meesha.
Wuxuu xushay in uu naftiisa galiyo halista intaas la'eg si uu naf kale u badbaadiyo.
Balse musiibo kale ayaa qabsatay Dr Harry, waxaana loosoo sheegay in uu geeriyooday aabihiis.

Xigashada Sawirka, RICHARD HARRIS/FACEBOOK
Madaxda dowladda Thailand ayaa ka codsaday Dr Harris in uu ku biiro kooxaha gurmadka sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalka Australia oo uu dhaqtarka u dhashay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Carruurta lasoo badbaadiyay
Dhaqtarka Harry waxa uu leeyahay xirfadda biyo quusidda, isaga oo xitaa sawirro ka qaada biyaha hoostoosa.
Waxa uu sameeyay biyo quusid meelo kala duwan sida Australia iyo New Zealand , balse sanadkii 2011-kii ayaa waxaa qabsatay dhacdo murugo leh oo waxa uu maydka saaxiibkiis kasoo saaray biyaha hoostoosa, kaas oo ay isla quusayeen.

Xigashada Sawirka, OZTEK/RICHARD HARRIS
Dr Harris horey ayuu uga qeybqaatay hawlgalo gurmad ah