Maraykanka oo si uu yeelo garan la' carruur soogalooti ah oo waalidkooda la tarxiilay

Carruurta dadka soo galootiga Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Carruurta dadka soo galootiga

Maamulka Trump wuxuu sheegay in 27 carruur ah oo ay dhaleen dadka soo galootiga ah aysan sharci ahayn inay dib ula midoobaan waaliddiintooda, sida lagu xusay dacwad la gudbiyay.

Waaliddiinta dhalay 12 kamid ah carruurta ayaa la musaafuriyay, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Ku dhawaad 3,000 oo carruur ayaa waaliddiintooda laga la haray kaddib markii si sharci darro ah ay ku galeen dalkaasi.

Dowladda Mareykanaka waxay iska dhaga tiraysaa amarkii maxkamadda ee ahaa carruurta soo galootiga ay dib ula midoobaan waaliddintooda 10 bisha July.

Waaxda caddaaladda iyo ururka midowga xoraynta shacabka (ACLU) waxay si wadajir ah ay usoo saareen warbixin ku aadan sababtii loo soo dayn waayay 27 carruurta ah ee dadka soo galootiga ay dhaleen.

Warbixin ayaa sidoo kale lagu xusay in 10 kamid ah carruurta xiran waaliddiintooda loo haysto dambi ah inaysan haysanin sharciga dalkaasi.

Siddeed kamid ah carruurta la haysto, waaliddiintooda ayaa wajahaya dawcada ah inay ka ganacsanayeen daroogada, ka ganacsiga dadka, dil iyo falal burcadnimo ah.

Labo kamid ah carruurta ayaanan la midoobi doonin waaliddiintooda waxaana la sheegay inay la kulmeen tacaddiyo.

Shan kamid ah carruurta ayaa horraan laga qaatay dad aanan waalidkooda ahayn.

75 kamid ah carruurta ayaa go'aan lagu gaaray inay sharci tahay inay dib ula midoobaan waaliddiintooda, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka iyo adeegyada dadweynaha dalka Mareykanka.

Waxay sidoo kale sheegtay in la filaya in 34 carruur ah maanta gelinka dambe dib loogu celiyo waaliddiintooda.

Ururka Midowga xoraynta shacabka (ACLU) waxay sheegeen inay aqbaleen in waaliddiinta loo haysto dambiyada aysan dib ula midoobi doonin carruurtooda.

Mowduucyada la xiriira