Boqorad Elizabeth II ayaa la kulantay inta badan 12-kii madaxweyne ee Maraykanka soo maray marka laga reebo 2 uun

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho ugu tagay boqoradda Ingiriiska xilli uu socdaal ku joogo dalka Britain, balse ma noqonayo madaxweynihii koowaad ee boqoradda la kulmo, waxayna qeyb ka tahay dhaqan muddo badan soo jiray.

Muddadii 66-ka sano ahayd ee ay kursiga boqortooyada ku fadhiday Boqran Elizabeth waxa ay la kulantay dhammaan madaxweynayaashii soo maray Maraykanka marka laga reebo Lyndon B Johnson iyo madaxweyne Trump oo hadda qorshuhu yahay in ay la kulanto.

Xagga hoose waxaa ah sawirro aan idiinka soo xulnay kulamadii ugu muhiimsanaa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqoradda iyo Dwight D Eisenhower oo Aqalka Cad ku kulmay 1957. Eisenhower waxa uu qoorta ku xiranyahay abaalmarin uu siiyay boqor Geirge VI oo Elizabeth aabaheed ah.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qasriga boqortooyada Buckingham ayay ku kulmeen boqoradda iyo madaxweyne John F Kennedy (midig) oo la socoto marwada koowaad Jacqueline Kennedy (qofka labaad dhanka bidix) sanadkii 1961, waxaa la taagan Amiir Philip.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqorada iyo Ra'isulwasaarihii Ingiriiska Edward Heath oo la kulmay madaxweyne Richard Nixon (qofka labaad dhanka midig) iyo xaaskiisa Pat sanadkii 1970. Kulanka waxa uu ka dhacay hoyga Ra'isulwasaaraha ee UK.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynihii Maraykanka Gerald Ford oo qoob ka ciyaar la dheelaya boqoradda sanadkii 1976. Aqalka Cad ayay ku kulmeen.
Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Boqoradda iyo madaxweyne Jimmy Carter oo sanadkii 1977-dii ku kulmay qasriga Buckingham.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqran Elizabeth iyo madaxweyne Ronald oo fardo ku jooga sanadkii 1982 xilli uu madaxweynaha booqasho ku tagay UK. Fardaha boqoradda ayaa hadiyad loogu keenay.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqoradda iyo madaxweyne George H W Bush oo sanadkii 1991-dii ku kulmay Washington.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amiirad Elizabeth (intii aysan boqaradda noqon) ayaa la kulantay madaxweyne Harry S. Truman sanadkii 1951-dii
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne George W Bush ayaa boqorada kusoo dhaweeyay Aqalka Cad sanadkii 2007.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqoradda iyo Amiir Philip ayaa madaxweyne Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle kula kulmay Lonon sanadkii 2011-kii.

Mowduucyada la xiriira