Yaa dhexdhexaadin doona cayaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka?

Nestor Pitana oo la hadlaya laacibka khadka dhexe uga Faransiiska N'golo Kante Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nestor Pitana oo la hadlaya laacibka khadka dhexe uga Faransiiska N'golo Kante

Xiriirka kubadda cagta ee adduunka ayaa u magacaabay garsooraha reer Arjentiin, Nestor Pitana, inuu dhex dhexaadiyo cayaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka ee Axadda dhex mari doonta Faransiiska iyo Croatia.

43 jirkan ayaa qabtay cayaartii furitaanka koobka adduunka ee dhex martay Ruushka iyo Sacuudiga, wuxuuna sidoo kale garsoore ka ahaa cayaartii uu Faransiisku rubuc dhamaadka kaga guulaytay Uruguay, iyo tii dhex martay Croatia iyo Denmark ee wareegga 16ka kooxood.

Waxaa cayaarta la qaban doona Hernan Maidana iyo Juan Belatti oo labadaba u dhashay Arjentiin.

Garsooraha 4aad ayaa noqonaya Bjorn Kuipers oo u dhashay Netherlands, halka garsooraha kaydkana uu yahay Erwin Zeinstra oo isna u dhashay isla Netherlands.

Faransiisku ma aha markii ugu horraysay ee uu soo gaaro cayaarta kama dambaysta ah, ama uu qaado koobka adduunka, laakin Croatia waa markii ugu horraysay ee ay timaado cayaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka.

Mowduucyada la xiriira