Filimka Sanju: Ma ka been sheegayaa mise waa ka run sheegayaa nolosha Sanjay Dutt?

Xigashada Sawirka, VINOD CHOPRA FILMS
Ranbir Kapoor oo Sanjay Dutt la jilaysa filimka Sanju
Jilaaga caanka ah ee aflaanta Bollywood Sanjay Dutt waa mid ka mid ah jilayaasha muranada ugu badan dhaliyay, qabatimidiisa khamriga iyo daroogada iyo haweenka la sheegay in uu si qarsoodi ah xiriir ula leeyahay iyo tan ka sii daran ee ah in kiisas la xiriira argagixiso lagu helay ayaa ah kuwo caddaymo loo hayo.
Balse dukumiintari cusub oo la soo saaray ayaa ku eedeeyay inuu tirtirayo taariikhdiisi hore.
Toddobaad ka hor inta aan la soo saarin filimka Sanju ayaa waxa lagu tilmaamay mid ka mid ah filimaanta ugu caansan kuwa Bollywoodka.
Balse dadka naqdiya aflaamta ayaa filimkan ku tilmaamay mid aan "daacad ku qotomin, islamarkaana marin habaabin badan", halka qaar kalena ay ku tilmaameen in qaabka loo qoray uu u egyahay sidii in "buunbuunin" lagu samaynayo.
Sanju waa magaca Sanjay oo la soo gaabiyey. Sanjay Dutt wuxuu ahaa cunugga ugu weyn seddexda ilmood ee ay isu dhaleen Nargis iyo Sunil Dutt, labadoodana waxay ka mid ahaayeen jilayaashii soo maray aflaamta hindida.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilaa 100 filim ayuu dhigay tan iyo 1981
Tan iyo markii uu bilaabay jilidda filimada 1981, wuxuu soo bandhigay in ka badan 100 filim oo isugu jiray dagaal, jacayl iyo qosol.
Filimku wuxuu muujinayaa in sidani tahay sida uu u nool yahay Dutt. Wuxuu dibadda soo dhigayaa baadigoobka uu ugu jiro qof taariikhdiisa qora, oo dhanka kalena u cadaalad fala taariikhdiisa, taasoo uu aaminsan yahay in si xun ay uga turjuntay "warbaahinta", oo ay noqotay cadawga filimka.
Filimka wuxuu ku bilaabanayaa ka hor intii aan la sii deyn filimkii ugu horreeyey ee Dutt, xilligaasoo uu 22 jir ahaa, iskuna dayayey inuu rumeeyo rajadii aabihii, ayadoo reerka oo dhanna ay isku dayayeen inay soo doogaan jugtii xanuunka badnayd ee ka soo gaartay markii loo sheegay in hooyadii uu ku dhacay kansarka ganaca gala.
Markii ay hooyadii dhimatay, Dutt wuxuu ahaa nin ay daroogo la tagtay.
"Ma jirto daroogo dunida taalla oo aanan qaadan" ayuu ku yiri khudbad dadweyne oo uu jeediyey 2017.
Filimku waa mid raalli gelin bixinaya saacadda ugu horraysa. Wuxuu muujinayaa Dutt oo sakhraansan oo dhacdhacaya, isagoo niyadjab ku beeray aabihii iyo gabadha ay saaxibka yihiin.
Wuxuu heroin ku qaadanayaa qolka isbitaalka ee hooyadiis ay taallo ka hor inta aysan ka soo kicin suuxdin dheer oo haddana in yar ka dib aysan dhiman.
Filimka intiisa kale wuxuu la xiriiraa kiis dambi oo loo haysto Dutt, oo 2006 uu ku dhacay xukun ah inuu haystay hub, kaasoo lala xiriirinayo qarax ka dhacay Mumbai 1993 oo ay ku dhinteen 257 qof, 713na ay ku dhaawacmeen.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa filimkii ugu wanaagsanaa 2018
Dutt waxaa lagu eedeeyey inuu haystay seddex qori oo ah AK 56 ah iyo rasaastooda, bastoolad iyo rasaasteeda, iyo garnayllada gacanta laga tuuro.
Wuxuu hubka ka gatay qolyihii qaraxa sameeyey, wuxuuna sheegay in hubka uu ku ilaalinayey reerkiisa intii ay socdeen rabshadihii u dhexeeyey muslimiinta iyo Hinduuga, 1993.
Hubka waxaa la sheegay in loo adeegsaday weerarka, laakin Dutt waxaa laga bari' yeelay dhamaanba eedeymaha.
Xabsiga ayaa laga sii daayey 2016, ka dib markii uu seddex sano xirnaa. Sii deyntiisa ayaa caro dhalisay, ayadoo dadka qaar ay ku dhaliileen in magaciisa dartii loogu ogolaaday in la sii daayo.
Dadka intooda badan way soo dhoweeyeen filimka, laakinse waxaa halkaa ka dhashay su'aasha ah: Bollywood ma samayn kartaa filim aan laga been sheegin oo ku saabsan nolosha qof iyaga ka mid ah?