Booqashada madaxweynaha Eritrea ee Itoobiya maxay uga dhigan tahay gobolka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booqashada Itoobiya uu booqanayo madaxweynaha Eritrea maxay uga dhigan tahay gobolka

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu saaka booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Itoobiya.

Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayaa ah marti qaad uu ka helay Ra'isal Wasaare Abiy Axmed.

Xidhiidhka labada dal oo hore col u ahaa, ayaa si lama filaan ah isku bedelay ka dib markii Itoobiya sheegtay in ay aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta ay isku hayaan laga gaadhay iyo booqasho iyadna uu ku tagay Abiy Axmed dalkaas, halkaas oo ay labada dal ku sheegeen in boggii colaadeed ee dhex yaallay labaataneeyaha sano ay laabeen.

Haddaba xaaladdan is bedeshay iyo xidhiidhka labada dal waxa aanu wax ka waydiinay Dr. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo u waramay Axmed Badar.