Somaliland oo ruqsaddii kala noqotay hay'ado samafal
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo ruqsaddii shaqo kala noqotay hay'ado samafal

Wasaaradda qorsheynta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay faah-faahin ka bixisay lix hay'adood oo ah kuwa samafalka oo maxaliga ah oo ay xukuumaddu kala noqotay ruqsadii ay kaga shaqeyn jireen deegaannada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Eng Xuseen Ibraahim Buuni, oo u waramay weriyaha BBC-da Axmed Siciid Cige ayaa faahfaahin ka bixiyey go'aankaa xukuumadda ay shaqada uga joojisay hay'adahaasi.