Srilanka oo doonaysa inay qorato qof dadka deldela

Todobaadkan ayaa shuruudaha shaqada deldelaadda la xayeysiin doonaa
Image caption Todobaadkan ayaa shuruudaha shaqada deldelaadda la xayeysiin doonaa

Saraakiisha Srilanka ayaa sheegaya inay raadinayaan qof ay u qortaan inuu qabto shaqada deldelaadda dadka la dilayo, ka dib markii uu dalku muddo ka hor joojiyey ciqaabta dilka.

Sarkaal xabsiga ka tirsan ayaa sheegay in la xayeysiin doono shaqadaas deldelaadda dadka ah todobaadkan gudihiisa.

Srilanka laguma dilin qof maxbuus ah tan iyo 1976.

Arbacadii ayuu madaxweyne Maithripala Sirisena ku dhawaaqay in qolyaha daroogada kala gudbiya la dili doono, halkii lagu xukumi lahaa xabsi daa'in.

Srilanka waxay si rasmi ah u shaqaaleysiisaa qof dadka dila, laakinse tan iyo 2014, dhamaanba seddexdii nin ee dadka dili jiray ayaa shaqadoodii si degdeg ah uga ruqsaystay.