Daawo: Gabar Sacuudi ah oo doonaysay inay isku duubto fanaan ay ka heshay oo la xiray

Fanaanka Majed al Muhandis Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Image caption Fanaanka Majed al Muhandis

Booliska sacuudiga ayaa xiray gabar dhallinyar oo masraxa orod ku fuushay si ay isugu duubto nin heesayey, magaalada daa'if.

Fiidiyow ayaa laga arkay gabadhaas oo tin iyo cirib dhar madow ku daboolan, oo ku sii ordaysa masraxa oo uu saarnaa fanaanka heesayey, Majed al Muhandis.

Waxaa degdeg dhexda uga qabtay ilaalada amniga oo ka saaray hoolkii heesaha lagu qaadayey. Halkan ka daawo.

Booliska magaalada waxay sheegen in gabadha la geeyey meel dumarka lagu xiro, waxaana kiiskeeda lagu wareejiyey dacwad oogayaasha, ayadoo wajahaysa dambiyo ciqaabeed.

Waa muuqaal ka duwan kii dhowr todobaad ka hor aad loogu sacab tumayey, markaasoo loo ogoladay dumarka Sacuudiga inay gaari kaxeeyaan.

Dumarka Sacuudiga looma ogola inay dhex galaan ragga uusan wax xiriir ah kala dhaxayn.

Isbeddelka ka dhacaya Sacuudiga ayaa dhakhsiyo ku socday, laakinse wuxuu dhanka kale keenay caro ka timid qolyaha muxaafidiinta ah ee dalka.

Mowduucyada la xiriira