Obama oo Kenya tegey

Kenyatta oo madaxtooyada ku soo dhoweynaya Obama Lahaanshaha sawirka Kenya State House
Image caption Kenyatta oo madaxtooyada ku soo dhoweynaya Obama

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama aya maanta tegey Kenya, halkaasoo uu booqasho laba maalmood ah ku joogayo.

Waa markii ugu horraysay, tan iyo markii uu xilka ka degey, ee uu ku laabto Kenya, waxaana socdaalkiisa ku wehliya qoyskiisa.

Isla maanta wuxuu madaxtooyada magaalada Nairobi kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana sidoo kale qorshaha ugu jira inuu la kulmo hpogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Waxaa la filayaa in arrimo aanay siyaasad la xiriirin ay isla soo qaadi doonaan.

Lahaanshaha sawirka Kenya State House
Image caption Uhuru Kenyatta, Barack Obama iyo Auma Obama

Qorshaha Mr Obama waxaa ku jira inuu tago gobolka Nyanza, halkaasoo uu xarigga ka jari doono mashruuc wax loogu qabanayo dumarka, carruurta iyo dhallinyarada, kaasoo ay maamuli doonto hay'adda Sauti Kuu Foundation oo ay maamusho walaashii Auma Obama.

Mr Obama wuxuu kaloo tegi doonaa tuulada uu aabihii ka soo jeedo ee Kogelo, halkaasoo ay ku nooshahay ayeydii, Sarah Obama.

Dadka reer Kogelo oo Mr Obama u arka wiil ka dhashay deegaankooda ayaa todobaadyadii dhowaa diyaar garow weyn ugu jiray soo dhoweyntiisa. Madaxda Kenya waxay iyaguna u arkaan Mr Obama inuu yahay saaxiib weyn oo ay ku leeyihiin galbeedka.

Booqashadiisa Kenya ka dib, waxaa lagu wadaa Mr Obama inuu uga sii gudbo dalka koofur Afrika.

Mowduucyada la xiriira