Booliiska Nicaragua oo hawlgallo ka fuliyay magaalooyin

Nicaragua Lahaanshaha sawirka Reuters

Laamaha ammaanka ee dalka Nicaragua ayaa qaaday hawlgallo ay ku kala dirayaan dad mudaaharaadaya oo jidgooyooyin dhigtay magaalooyinka ku yaalla Koonfurta-bari ee dalkaas, arrintaas ayaana horseeday in ay toban ruux dhintaan.

Ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in lix ruux oo shacab ah iyo afar laamaha ammaanka ka tirsan ay dhinteen.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalada Masaya iyo bulshooyinka ka agdhaw deegaan kaas.

Alvaro Leiva oo madax ka ah ururka ANPDH ee ay ku midaysan yihiin qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Nicaragua ayaa sheegay in ugu yaraan 22 gaari oo laamaha ammaanku ay wateen ay gaareen aagaas.

Dawladda ayaa hawlgalkaas u bixisay " hawlgalka nadiifinta" waxaana diiradda lagu saaray magaalada Masaya iyo tuulooyinka u dhadhaw ee Niquinohomo iyo Catarina deegaanka kale ee u dhaw ee Monimbo.

Lahaanshaha sawirka AFP

Leiva ayaa ka ku baaqay in dadka magaaladu ay guryaha ku jiraan, wuxuuna sheegay in goobo kala duwan oo magaalada ah la dhigay dadka shiishka ku xeel dheer.

Goor sii horraysayna wuxuu sheegay in booliisku ay dadka dhaawaca ah u diideen in isbitaallada la geeyo.

Mowduucyada la xiriira