Inta goor oo ay heshiisyo galeen madaxda Maraykanka iyo Ruushka

Xigashada Sawirka, REUTERS
Putin iyo Trump
Marka ay maanta madaxwayne Donald Trump uu la kulmo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin oo ay wadahadalo ku yeelanayaan caasimadda Filand ee Helsinki ,waxa ay labada hogaamiye gali doonaan bogga taariikh dheer ee ku saabsan wadahadaladii ay yeelan jireen hogaamiyayaashii Mareykanka iyo midowga Sofiyeet xilligii dagaalkii qaboobaa.
Iyada oo Mr Trump uu isku dayayo in uu xiriira wax ku ool ah la yeesho hogaamiyaha Ruushka oo madaxwaynayaashii xilka uga hareeyay ay taxadar ka muujin jireen , waxaan dib u milicsan doonaa taariikhda kulamadii dhexmaray labada dal ee ah kuwa acalamka ugu awoodda badan.
Xigashada Sawirka, Getty Images
madaxwayne John Kennedy iyo hogaamiyahii midowga Soofiyeeti Nikita Khrushchev magaalada Vienna 1961
Madaxwayne Kennedy ayaa hogaamiyihii Soofiyeetka Nikita Khrushchev kula kulmay Vienna sanaddii 1961.
Waxaa dulucda wadahadaladooda ay xilligaasi ahayd dhibaatadii ka jirtay Berlin iyo cidda maamulaysa magaaladaasi kala qaybsanayd.
Mr Kennedy, waxaa uu wadahadaladaasi kala kulmay waxyaabo uusan filanayn oo ah waji adeega uu dhigiisa u muujiyay.
"Waa waxii ugu xumaa ee noolashayda soo mara ," waxa uu madaxwaynaha sidaasi u sheegay wariye ka tirsan wargayska New York Times ka dib wadahadalada uu la yeeshay hoagamiyihii Soofiyeetka .
Ka dib billooyiin wadahadaladaasi waxaa la dhisay darbigii Baarliin ka dib na labada dal waxa ay isla galeen madaxa iyaga oo isku khilaafay gantaaladii la dhigay Cuba.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwayne Nixon iyo hogaamiyihii soofiyeetka Leonid Brezhnev oo is gacan qaadaya
Bishii May 1972, madaxwayne Richard Nixon ayaa magaalada Moscow markii ugu horreysay kula kulmay hogaamiyihii midowgii soofiyeet Leonid Brezhnev, waxa ay wadahadaladaasi ahaayeen kuwa u muuqday in ay miro dhal ahaayeen xiriirka labada hogaamiye na uu wanaagsanaaday.
Waxaa kulankaasi ka dhashay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu xaddidayay sii balaarinta hubka niyukleerka ee labada quwadood.
Maxaa laga filan karaa kulanka Trump iyo Putin?
Nixon ayaa ku casuumay Brezhnev in uu booqasho ku yimaado Washington waxa ayna saddex shir oo is xig-xigay mar kale ay saxiixdeen heshiis lagu xakamaynayo Niyukleerka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Gerald Ford iyo Leonid Brezhnev soo dhawayntii garoonka Vladivostok
Bishii November 1974, madaxwaynihii badalay Nixon oo la oran jiray Gerald Ford ayaa markii ugu horreysay magaalada Vladivostok kula kulmay Brezhnev.
Xiriirkii u dhaxeeyay labada dal ayaa ahaa mid wanaagsan iyada oo ay jirto in uu xilligaasi socday dagaalkii qaboobaa.
Labada hogaamiye ayaa ka wadahadlay kubadda cagta oo labadaba markii ay yaraayeen ay ciyaari jireen ,waxaana dhexmaray kaftan.
Ford aya kulankaasi ka soo baxay isaga oo xiran jaakad ka samaysan dufta Eeyduurta "waxa uu si kaftan ah ugu yri wariyayaasha waxa aan ahay ido xiran duftii Eeyduurta ." Brezhnev ayaa markii dambe isku dayay jakaadsi oo xirtay markaasi oo sawiro laga qaaday.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Brezhnev oo isku tijaabinaya jaakadad Gerald Ford's Alaskan oo ka samaysan dufta Eeyduur
Waxa ay mar kale kulan yeesheen sanooyiinkii xigay oo ay ku kulmeen caasimada Filand ee Helsinki -waana kulankii ugu horreeyay ee u dhaxeeyay Ruushka iyo Mareykanka oo ka dhaca caasimadda filand waxaana laga wada hadlayay ammmaanka iskaashiga Yurub.
Hogaamiyayaal ka kala socday 35 dal ayaa saxiixay heshiiskii Helsinki - oo ahaa heshiis ku baaqayay in la xushmeeyo xuquuqda aadanaha in aan la jabin xudduudada Yurub.
Waxa uu xilligaasi ahaa waqtigii ugu muhimsanaa ee dagaalkii qaboobaa ,balse waxaa xilligaasi madaxwayne Ford cambaareeyay dadka Mareykanka oo ku eedeeyay wax ay u arkayeen in uu Soofiyeetka u sharciyeeyay dulmiga ay ku hayeen bariga Yurub.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ford iyo Brezhnev oo kus ugan Vladivostok
Markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa , bishii December 1987, madaxwayne Ronald Reagan iyo hogaamiyihii Soofiyeetka Mikhail Gorbachev ayaa ku kulmay Washington , halkaasi oo mar kale labada dal ay ka wadahadleen arrimo la xiriira xakamaynta niyukleerka.
Waxa ay saxiixeen heshiiskii la oran jiray INF - oo ahaa heshiis lagu mamnuucayay gantaalada riddada dhexe ee lagu rakibo niyukleerka taasi oo horseeday in la buburiyo 2,692 oo gantaal sanaddii 1991.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayihii guud Mikhail Gorbachev iyo madaxwayne Ronald Reagan oo saxiixaya heshiis lagu dhimayo niyukleerka 1987
Sannaddii aanu soo dhaafnay , oo heshiiskaasi muddo 30 sano ah laga joogo ayaa madaxwayne Trump waxa uu hogaamiyaha ruushka Vladimir Putin ku eedeeyay in uu jabiyay heshiiskaasi iyaga oo tijaabiyay gantaalada riddada dhexe.
Ruushka ayaa eedeeyntaasi uga jawaabayay in Mareykanka ay dhankooda ku tunteen heshiiskaasi.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwayne George HW Bush ayaa la kulmay Mr Gorbachev toddobo jeer.
Waxa uu kulankoodii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Helsinki bishii September 1990, waxa ayna billaabeen xiriir wanaagsan iyaga oo yeeshay kulamo saacado qaatay.
Mr Bush ayaa xilligasi doonayay in uu taageero ka helo Mr Gorbachev taasi oo ku aadanayn la tacaalidda gardaradii uu madaxwaynihii Ciraaq Sadaam Xuseen uu ku qabsaday dalka Kuwait.
Mr Gorbachev ayaa waxa uu Mr Bush - gudoonsiiyay kaartuun uu ka muuqdo sawirka labada hogaamiye iyaga oo ah feeryahan islamarkana ay ka muuqato calaamad ah in labadaba ay guulaysteen.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Gorbachev oo kub wareejinaya Mr Bush kaartuun ku saabsan so afajaradii dagaalkii qaboobaa.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mikhail Gorbacheviyo George Bush oo wada qoslaya
Madaxwayne Bill Clinton ayaa magalada Helsinki kula kulmay Boris Yeltsin bishii March 1997 , waxaana wadahadaladii ay yeesheen loo arkayay kuwii ugu muhimsanaa tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Bill Clinton iyo Boris Yeltsin magalada Helsinki March 1997
Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa sii xumaanayay tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne Vladimir Putin, oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonkii Soofiyeetka,waxa uuna Putin xilka la wareegay sanaddii 2000 .
George W Bush, oo noqday madaxwaynihii Mareykanka 2001 ayaa isku dayay in uu soo jiito mr Putin, balse 8dii sano ee uu Bush xilka hayay ayaa waxa uu xiriirka ahaa mid aan wanaagsanayn.
Markii Barack Obama uu noqday madaxwaynihii Mareykanka 2009, waxa uu isku dayay istaraatijiyad cusub oo uu ku soo jiidanayo Mr Putin.
Mr Putin ayaa xilka ka dagay si uu ugu hogaansamo sharciga Ruushka oo dhigayay in laba mar wax ka badan uusan madaxwaynaha xilak qaban karin waxa uuna jagada ku wareejiyay Dmitri Medvedev.
Madaxwayne Obama ayaa isku dayay in uu xiriir al yeesho Mr Medvedev, waxa uuna s anaddii 2009 Ruushak u diray xoghayihiisa arrimaha dibadda Hillary Clinton si ay ula kulanto dhigeeda Ruushka Sergei Lavrov taasi oo looga gol lahaa in xiriirka labada dal lagu wanaajiyo.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayihii arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton iyo Sergei Lavrov
Waxa uu xiriirka labada dal sii xumaaday markii ay Ruushak diideen in ay soo wareejiyaan Edward Snowden oo lagu eedeeyay in uu bixiyay siro badan oo Mareykanka ay lahaayeen.
Mr Obama ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Moscow waxa uuna iska fogeeyay Mr Putin.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Vladimir Putin iyo Donald Trump oo si kooban isugu arkay kulan lagu qabtay dalka Jarmalka
Imika Donald Trump ayaa ah madaxwaynaha Mareykanka waxa uuna hadda doonayaa in xiisadda la dajiyo.
Waxaa maanta kulmaya madaxwayne putin iyo madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump.
Waxa ay arrintan kus oo beegmaysaa iyada oo ay sirdoonka Mareykanka ay sheegeen in Ruushka uu faragalin ku sameeyay doorashadii madaxwaynanimada ee 2016 oo uu ku guulaystay madaxwayne Trump.
Madaxwayne Trump ayaa isagu cambaareeyay wadamada ay bahwadaaga yihiin gaashaanbuurta NATO , waxa uuna ammaanay Mr Putin.
Xigashada Sawirka, Getty Images
madaxwayne Trump oo ak dagay magaalada isaga oo saaran diyaarada Air Force One
.