Maxay salka ku haysaa colaadda Oramada iyo Soomaalida Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay salka ku haysaa colaadda Oramada iyo Soomaalida Itoobiya?

Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa amar ku bixiyay in ciidammada milateriga iyo boliiska federaalku ay tagaan deegaannada ay ku dagaallamayaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee waddankaas si ay u kala dhexgalaan labada dhinac.

Hadalka Rai'sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay maalmihii ugu dambeeyay ay sii xoogaysteen xiisadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada.

Haddaba, colaaddan Soomaalida iyo Oromada Itoobiya maxay salka ku haysaa?

Axmed Xaaji Cumar Cabdikariim, waa xildhibaan hore laga soo dooran jiray deegaanka Iimey iyo Ceel Karri, waxa uu u warramaya weriyaha BBC-da Cadifitaax Ibraahim Cagayare.