Bandhig lagu dhiirri gelinayo barashada iyo kobcinta akhriska
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhig lagu dhiirrigelinayo barashada iyo kobcinta akhriska oo lagu qabtay Jabuuti

Bandhig lagu dhiirri gelinayo barashada iyo kobcinta akhriska ayaa waxa lagu qabtay magaalada Jabuuti ee xarunta jamhuuriyadda Jabuuti.

Bandhigaas oo la yidhaa geediga buugga iyo bandhigga farshaxanka iyo suugaanta ayaa ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in dhallinta lagu dhiirri geliyo akhriska si garaadkoodu u kobco hadhawna ay u noqon karaan dad wax qori kara iyo in aanay wakhtigooda badankiisa ku lumin adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka oo dhalintu aad u xiisayso.

Warbixintan waxa magaala Djibouti ka soo diray weriye Maxamuud Cismaan Bulxan.