Odoryahan caan ah oo ku biiraya koox ka dhisan dalka Australia

Usain Bolt ayaa ka saftay ciyaaro saaxiibtinimo oo dhawr ah sanadkan Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Usain Bolt ayaa ka saftay ciyaaro saaxiibtinimo oo dhawr ah sanadkan

Ninkii siddeeda jeer ku guuleystay orodada adduunka Usain Bolt ayaa hadda wadahadalo kula jira koox ka dhisan dalka Australia oo kubbadda cagta ah.

Ninkan aadka u dheeraaya ee u dhashay dalka Jamaica ayaa 31 jir ah, wuxuuna gorgortan kula jiraa kooxda Central Coast Mariners, taas oo ku jirta kooxaha darajada koowaad ee Australia.

Saraakiisha kooxda ayaa sheegay in haddii ay wax kasta noqdaan sidii loogu talogalay, in Bolt uu kooxda ku biiri doono xili-ciyaareedkan.

Waxa uu heystaa rikoorka 100-ka mitir iyo 200m, wuxuuna orodada ka fariistay sanadkii hore.

Waxa uu taageeraa kooxda Manchester United, kooxdaas oo nin kaaliye tabobare kasoo ahaan jiray uu hadda maamule ka yahay kooxdan Mariners ee uu wadahalka kula jiro Bolt.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Usain Bolt oo tabobar la qaadanaya kooxda Borussia Dortmund

Bolt waxaa loosoo bandhigay mushaar aad u badan sida ay sheegeen saraakiisha kooxda.

Mowduucyada la xiriira