ONLF oo ka hadashay dagaalka Oromada iyo Soomaalida

.

Afahayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Oromada ee Itoobiya inay ka dambeeyaan dagaalka u dhexeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Afahayeenka ONLF wuxuu yiri " waxaan u aragnaa inuu yahay dagaal khalad ah oo dulmi uu ku jiro oo dadka Soomaalida lagu soo qaaday , eeddeedana waxaa iska leh maamulka gobolka Oromada oo maleeshiyaad abaabulan oo hubaysan oo tabbabaran ku weeraray dad shacbi ah oo Soomaali ah xudduudaha Soomaalida iyo Oromada wadaagto"

Cadbiqaadir Caddaani oo BBC-da la hadlaayay wuxuu sidoo kale in dagaallada ay khaasare dhaliyeen oo ay in ka badan 50 qof ku dhinteen.

Dhan kale, Maamulka deegaanka Oromiya oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku laheyn collaada ka dhex alloosan Soomaalida Iyo Oromada.

Mas'uuliyiinta deegaanada Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ku heshiiyay in ciidamo boolis ah la geeyo goobaha ay ku dirirayaan Soomaalida Iyo Oromada dalka Itoobiya.

ONLF: waa naloo gacan dhaafay shidaalkanagii

Halkee ayay marayaan wadahadalada ONLF iyo Itoobiya?

Mas'uuliyiinta ayaa waxaa kale oo ay shegeen inay ku heshiiyeen kullamo lagu qaban doono xudduudaha ay wadaagan labada maamul si looga shaqeeyo nabadda.

Collaadda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida ee ka socota qeybo kamid ah dalkaasi ayaa waxaa ku barakacay in kabadan 8 boqol oo kun oo qof.

Mowduucyada la xiriira