Shukri Jaamac oo ku guulaysatay abaalmarinta maansada gabdhaha ee BBC

Shukri oo abaal marinta guddoontay
Image caption Shukri oo abaal marinta guddoontay

Shukri Jaamac Ibraahim ayaa ku guulaysatay abaalmarinta gabdhaha da'da yar ee hal abuurka leh oo ay soo qabanqaabisay laanta Af Soomaaliga ee BBC.

Kaalimaha 2aad iyo 3aad waxaa kala galay Nimco Xasan Tooxyare iyo Miski Warsame.

Muddadii uu tartanka socday waxaa ka qayb qaatay boqolaal gabdhood oo hal abuurkooda soo gudbiyey, kuwaas oo ah gabdho da' yar.

Madaxa laanta af Soomaaliga ee BBC, Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka hadlay sidii ay ku timid fikradda ah in tartankan loo qabto gabdhaha hal abuurka leh.

Deeqa Nuux oo ku guulaysatay abaalmarinta gabayada ee BBC Soomaali

Halkan riix si aad u daawato gabayga ay kaalinta 1aad ku gashay Shukri Jaamac

Image caption Shukri Jaamac waxay kaalinta 1aad ku gashay gabay dhaqanka ka hadlaya

Wuxuu kaloo sheegay in maansadii ay gabdhahaas soo gudbiyeen loo sii gudbiyey seddex gabdhood oo iyaguna ah gabdho maansayahanno ah, kuwaasoo kala ah Caasho-Luul Yuusuf, Laki Xaaji Wacays,iyo Yaasmiin Xasan, si ay u kala saaraan.

"Maansooyinkaas waxay ahaayeen kuwo aysan magacyo la socon oo lambarro kaliya wata", ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh, isagoo intaa ku daray in markii ay kala saareen ka dib la is waafajiyey lambarrada iyo magacyada.

Seddexda gabdhood ee kaalimaha hore ka galay tartankaas waxaa abaalmarinnada guddoonsiiyey madaxdii halka joogtay oo uu ugu horreeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim Xaaji Cabdullaahi Camey.

Tartankii noocan oo kale ahaa ee sannadkii hore lagu qabtay Hargaysa waxaa ku guulaysaytay Deeqa Nuux Yoonis.

Mowduucyada la xiriira