Kanaal biyo oo ay doomuhu marayeen oo si lama filaan ah u qallalay

Kanaalka oo qallalay oo biyaha oo laga sii daayey Lahaanshaha sawirka David Maguire
Image caption Kanaalka oo qallalay oo biyaha oo laga sii daayey

Kanaallada biyaha ee Keenet iyo Avon ayaa si lama filaan ah ay biyuhu uga baxeen iyada oo isu socodki doomaha uu saameeyey.

Talaadadina kannaalku wuxuu ahaa biya la'aan oo wax biya ah laguma sii deynin.

Afhayeen u hadlay wakaaladda maamusha kanaallada iyo wabiyada ayaa wuxuu xaqiijiyey waxa dhacay ay ula kac ahayn, balse ay sababtay doomaha laftooda oo furay albaabada biyaha laga sii deynayey.

Albaabada biyaha ay ka soo galaan kana baxaan ayaa waxay yihiin kuwa xiriddooda iyo furiddoodaba ay fududdahay oo sida batannada leydhka oo kala ah ayuuna sii raaciyey.

Wuxuuna sida oo kale sheegay in loo dulqaato inta ay xaddiga biyaha kannaalka ay kor u soo kacayaan oo ay ka gaarayan heer ay doomuhu isticmaali karaan.

Lahaanshaha sawirka Google
Image caption Kanaalku inta aysan biyaha ka bixin sida uu ahaa

Kanaallada Kennet iyo Avon dhererkoodu wuxuu gaarayaa 87 mile (140 km) wuxuu ku xiran yahay wabiga Thames ilaa iyo Wabiga Avon.

Marki ugu horreysay kanaalkaasi waxaa la furay 1810, muddo kaddib hoos u dhac ayaa ku yimid adeegga uu bixinayey marki la dhisay waddada weyn ee tareenka oo Galbeedka dalka tagto.

Waxaa kanaalkan biyaha dayactir buuxda ay dad tabarrucayaal ah ku sameeyeen oo dib loo furay, waxaana si rasmi xarigga uga jartay boqoradda Ingiriiska Elzabet taariikhdu markay ahayd 8-dda August 1990.

Mowduucyada la xiriira

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

BBC-du mas'uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda