20 sano kaddib Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, maxaa u qabsoomay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

20 sano kaddib Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, maxaa u qabsoomay?

Bishan July sanadkii 1998-kii (sideed iyo sagaashankii) waxaa la aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, ujeedkana waxa uu ahaa sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka ay waxyeellada ka soo gaarto dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

20 sanno kaddibse waxaa su'aal la galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkaasi loo aasaasay.

Kiisaska ugu badan ee horyaal maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad.

Qaar ka mid ah dalalka Afrika ee saxiixay heshiiskii Rome ee maxkamaddan lagu aasaasay ayaa ku gooddiyay inay isaga baxayaan haddii aanan wax laga badelin qaabka ay u shaqeyso.

Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu studio-yaheenna ku casuunnay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo u warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare.