Saraakiisha dowladda hoose ayaa taageero u muujiyay wiil yar oo ganacsi bilaabay

Jaequan, 13 jir ah ayaa furtay ganacsi cuntada fudud ah Lahaanshaha sawirka Courtesy of David Pierini/North News
Image caption Jaequan, 13 jir ah ayaa furtay ganacsi cuntada fudud ah

Saraakiisha dowladda hoose ee magaalo ku taala Maraykanka ayaa taageero xoog leh u muujiyay wiil yar oo furtay miis ganacsi oo uu ku iibinayay cuntada fudud.

Dadka deegaanka midkood aya dacwad ka geeyay wiilka yar, waxayna sheegeen in uusan ruqsad u haysanin iibinta raashiinka.

Hase yeeshee saraakiisha ayaa go'aansaday in ay wiilka siiyaan qalab dheeraad ah, islamarkaasna baraan sidii uu ugu hoggaansami lahaa shuruucda dowladda hoose.

Waaxda caafimaadka ee Minneapolis ayaa halkii ay ka xiri lahayd ganacsiga sharci darada ah ee wiilka yar, Jaequan Faulkn, ayay u geeyeen qalab.

Madaxa caafimaadka magaalada Dan Huff ayaa taleefishinka CNN u sheegay in ay ruqsad xitaa u jarayaan wiilka si uu ganacsigiisa usii wato.

Qalabka loo geeyay waxaa ka mid ah heer-kul-beegga (thermometers) iyo qalabka nadaafadda oo ay qasab tahay in uu qofka haysto marka uu ka samaynayo ganacsi cunto ah.

Lahaanshaha sawirka Courtesy of David Pierini/North News
Image caption Jaequan iyo miiskiisa cuntad fudud

Saraakiisha ayaa ka bixiyay lacagta ruqsadda oo dhan $87 doolar kadib markii uu wiilka fuliyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Waa dukaan wareegga , wuxuuna xitaa mararka qaar hor dhigan doonaa saldhigyada booliska iyo meelaha kale ee la'isugu yimaado.

Wiilkan yar oo jooga xilligii iskuulka ayaa la yimid hal abuurkan ganacsi si uu reerkooda wax ugu qabto.

Mowduucyada la xiriira