Nin u ololeeya xuquuqda aadanaha Pakistan oo la la'aa oo gurigiisa dib ugu soo laabtay

Raza Khan
Image caption Raza Khan dabley heybtiisa aan la garan ayaa December 2017 gurigiisa ka kaxeystay

Raza Khan saaxibkii ayaa wuxuu sheegay ''Nin u dhaqdhaqaqa xuquuqda aadanaha Pakistan oo muddo toddaba bilood ah la la'aa ayaa dib ugu soo noqday gurigiisa oo ku yaalla Lahore''..

Raza khan bishi decebmer ee sanadki hore waxaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore ee waqooyiga dalka ku taalla ka kixeystay nin hubeysan oo aan haybtiisa la garan.

Maalinta ninkan la weynayo ayaa wuxuu boggiisa Facebook uu ku qoray farriin cambaareyn uuu soo jeediyey ciidamada Pakistan oo ku saabsaneyd iney ciidamada laftoioda ay xiriir hoose la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta ee hubeysan.

Cidda sii deyntiisa ka dambeysay oo aan la ogaan haddana qoyskiisa iyo eheladiisaba waxay ka gaabsadeen iney wax ka yidhahdaan iyaga oo amnigooda u baqaya.

Jimchi, Mr Khan saaxibkii ayaa xaqiijiyey inuu saaxibkii isaga oo nabad qaba uu gurigiisa dib ugu soo laabtay iyada oo 10 maalmood ka horna la shaaciyey inuu imanayo isaga oo nabad qaba.

Hase ayeeshee booliska dalka Pakistan waa uu ka gaabsaday inuu wax ka yirahdo qabsashada iyo sii deynta ninkan labadaba.

Mowduucyada la xiriira