Dhaqaale malaga sameyn karaa xasiib ama sabuul dubista?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhaqaale malaga sameyn karaa xasiib ama sabuul dubista?

Xilliyadan oo kale marka ay beeraleydu goosato tacabka beeraha gaar ahaan galleyda, waxaa suuqyada magaalooyinka lagu arkaa dad dakhli ka samaynaya Xasiidda ama Sabuulka oo ay ku dubaan hareeraha waddooyinka.

Magaalooyinkaasna waxaa ka mid ah magaalada Hargeysa oo ay ku soo badanayaan dhalinyaro sabuulka ama xasiidda ku duba hareeraha waddooyinka, si ay u helaan dhaqaale ku maareeyaan noloshooda iyo midda roorahoodaba.

Haddaba wariye Cabdillahi Jaamac ayaa la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada xasiidda ama sabuulka duba ee magaalada Hargeysa, kaddibna warbixintan ayuu inooga diyaariyay.