Cirro oo dhaliilsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha ee Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cirro oo dhaliilsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha ee Somaliland

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shir jaraa'id ku qabtay Hargaysa ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay mowqifka xisbiga Waddani ee kulankii Arbacadii uu kula kulmay magaalada Brussels gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wuxuu kaloo gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ka hadlay xeerka doorashada baarlamaanka ee haatan horyaalla fadhiga baarlamaanka, iyo cabashada saami qaybsiga ee gobollada.

Shirka jaraa'id waxaa ka qayb galay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna ugu horreyn wax ka weydiiyay mowqifkiisa kulankii Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Farmaajo ee Brussels.

Mowduucyada la xiriira