Qaramada Midoobey oo ka digtay xaaladda bukaannada ku jira isbitaallada Qasa

Marinka Qaza Lahaanshaha sawirka Reuters

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in bukaannada ku jira isbitallada ku yaal marinka Qasa ee go'doonsan ay halis geli karaan haddii Israa'iil ay qaadi weydo xayiradda ay ku soo rogtay marinka la isaga gudbo ee u dhaxeeya Israa'iil iyo Qasa.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, ugu yaraan hal isbitaal ayaa ilaa iyo haatan ku khasbanaaday in uu si ku meelgaar ah uu u xirmo halka kuwa kale ay dhimmeen adeegyadii ay bixinayeen sababo la xiriira xayiraadahaasi.

Israa'iil ayaa muddo haatan shan maalmood laga joogo waxa ay sheegtay in ay ilaa iyo maanta oo axad ah ay hakinayso shidaalka la geeyo marinka Qasa.

Waxa ayna arrintan ku sheegtay in ay uga jawaabeyso weerarro uga imaanayay Qasa oo ay ku eedeysay ururka Xamaas.

Israa'iil ayaa maanta sheegtay in maalinta talaadada ah ay dib u fureyso marinka badeecada iyo shidaalka looga gudbiyo Qasa, maadaama bay tiri xaaladda ay haatan deggan tahay.