Dawo cusub oo loogu talagalay in lagu dabiibo malaariyada oo la soo saaray markii ugu horreysay muddo 60 sano ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawo cusub oo loogu talagalay in lagu dabiibo malaariyada oo la soo saaray

Dawo cusub oo loogu talagay in lagu dabiibo cudurka malaariyada oo la soo saaray markii ugu horreysay muddo 60 sano ah ayaa waaxda Mareykanka ee dawooyinku ogolaatay in la isticmaali karo.

Dawada Tafenoquine ayaa waxa ay daweysaa cudurka duumada nooca soo laablaabta kaas oo sanadkiiba dunadan ku galaafta nolosha 8.5 milyan oo qof.

Waxaa dawadan lagu amaanay inay tahay horumarkii ugu weynaa ee muddo 60 sano ah laga gaaray la dagaalanka malaariyada, caalamkuna waxa uu haatan ka dhursugayaa go'aanka ay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ka gaarto in la isticmaali karo dawadan iyo inkale.

Haddaba waxaannu la xiriirnay Dr Cali Macow Aweys oo ku takhasusay cudurrada guud gaar ahaan kuwa ku dhaca uur ku jirta, waxa uu haatan ka howlgalaa isbitaal ku yaal magaalada Nairobi, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.