Dowladda Kenya oo bilawday duminta dhismooyiin ku yaalla xaafadda Kibra

Dhismooyiinka xaafadda Kibera oo ah goob isku raran ah Lahaanshaha sawirka .
Image caption Dhismooyiinka xaafadda Kibera oo ah goob isku raran ah

Dowladda Kenya ayaa bilaawday duminta dhismooyiin ku yaalla xaafadda isku raranka ah ee Kibra loo yaqaano.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa duminta guriyaha in ka badan 30,000 oo qof waxa ay u isticmaaleen cagaf cagafyo.

Xaafadda Kibra ayaa ah xaafad ku taalla caasimada dalka Kenya ee Nairobi waana xaafad isku raran ah.

Dadka deggan xafadan ayaa waxaa la siiyay in ay halkaasi uga baxaan muddo labo toddobaad gudahood ah.

Balse qaar ka mid ah dadkani waxa ay sheegeen in iyaga oo aan ogayn ay ka war heleen uun burburinta dhismooyiinka ayna ku wayeen waxyaabihii ay haysteen.

  1. Kenya oo tarxiishay afhayeenka Riek Machar
  2. Kenya ma waxay qarka u saaran tahay qalalaasa Dastuur?
  3. Hergab Shinbireed ka dilaacay dalka Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhammaan dhismooyiinkan oo ay ka mid yihiin 3 iskuul oo ah kuwa hoose dhexe iyo ganacsiyo ay yihiin kuwa sharci daro ah.

Wax ay dowladda sheegtay in dhismooyiinkan ay ka taqalusi doonto si halkaasi looga dhiso waddo cusub.

Hay'adda caalamiga ah ee u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tallabadda dowladda Kenya ku tilmaamtay mid sharci daro ah.

Mowduucyada la xiriira